Wasiirka Wasaaradda Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegay in Wasaaradiisu joojisey isticmaalka diyaaradaha buufiya ayaxa isagoo ku sababeeyey in sunta ay ayaxa kula dagaalamaan khatar weyn ku tahay xoolaha iyo dadka. “Waxaa sanadihii hore inta badan lagu buufin jirey diyaarado…dabadeedna dawadii lagu buufinayey “Kimikalkii” ayaa waxay noqotaya dawo waxyeelo badan u geysaneysa xoolaha iyo dadka” ayuu sheegay Wasiir Seed, isagoo ku daray “Sidaasi darteed waxaanu iska joojiney dawadaas maadaama ay dadka iyo xoolaha wax yeelayso”.  Wasiirku wuxuu sheegay inay inay u baqeen dhibaato taabata Balliyada iyo Berkedaha laga cabo.  Wasiirk Seed wuxuu tilmaamay inay raadinayaan daawo aan waxyeelo keenin oo laghula dagaalamo ayaxa.  “Waxaanu doonaynaa Daawo Dabiici ah oo aan dadka wax yeelayn inaanu raadino” ayuu tilmaamay, isagoo sheegay in wada hadal u socdo Wasaaradiisa iyo qolo reer Nayroobi ah.